Sheekadaan waxa ay ka mid tahay taxanaha Sheeko Sheeko (08) oo uu qoray Shilke Shariif

Saqdii dhexe ayey duuleen Cali iyo saaxiibadiis. Ma ahayn duullaan dhiig ku daadanayo se waxa uu ahaa duullaan uu ubad ku dhalan doono idamka Alle. Saqda dhexe oo uu gayer xun dhacayo ayey soo gaareen raaskii reer Cawil ay deganaayeen, horay ayey aqalkii ka abbaareen oo ay hurdada ka soo kiciyeen Canab. Sidii ay ballantu ahayd dhanka magaalada ayey u soo jihaysteen oo inta uusan waagu baryin ayey soo galeen, gurigii reer Xaaji Faarax oo fillo ahaana albaabka ka galiyeen.
Sida uu dhaqanka deegaanku ahaa gabadha looma soo wadin in la dhbar-garaaco oo la masaafaysto ee in berriba reerkeedii loogu gogol fariisto oo uusan habsan dhicin ayey ku talajireen. Markii uu waagii si fiican u dillaacay ayey Cali iyo saaxiibkii Aadan soo ag fariisteen Xaaji Faarax oo sidii uu salaadda Subxi masjidka ugu soo tukadayba kursi daaradda guriga yaal ku fadhiya, markaasna darmuus shaax ah la soo ag dhigay oo in uu idaacadda daarto ku tala jira. Falkii xala dhacay ayaa loo sheegay, asna wiilashii ma xumayn mana canaadin e, wuu soo dhaweeyey in uu maantaba arrinkaas xallinayana wuu u sheegay.
Xaaji Faarax qorshihii uu maalintaas lahaa oo dhan wuu baajiyey magaalada ayuuna isku sii daayey, oo sooryo iyo meher ayuu soo aruuriyey guurtidii tolkiis ahaydna in ay gabar u geed-fariisanayaan ayuu ogaysiiyey. Cawil oo isagu xala magaalada ku hoyday saakana qandho la soo kacay oo hurdada ku daahay ayuu ina-adeerkii soo wacay, kuna wargaliyey in gabadhiisii Canab xala lala soo baxay maantana in uu meheriyo loogu geed fadhiyo.
Cawil dhawaanahaanba wuxuu niyadda ku hayey in uu Canab ina-habreedkeed oo qurba joog ah uu ku daro guur dhaw iyo degdegaanna kama uusan filanyn. Ina-adeerkiis wuxuu ku wargaliyey in gabadhii gurigeeda lagu celiyo wax uu meherinayana aysan jirin, cabbaar ay hadalka is dhaafsadeenna taleefankii ayu uku jaray oo inta uu dansaday barkinta hoos gashtay.
Warkii baa duulay oo Cali gaaray, Cali waa ogyahay haddii ay mar gabadhu gacantiisa ka baxdo in uusan dib danbe u arki doonin, waxa uuna ku dedaalay in ay caawana hoyato oo uu berri celinayo illaa maantana Cawil laga warsugo. Cali isma dhigane isla habaynkii ayuu qordheeyey in uu gabadha soo mehersado, arrinkaasna Canab wuu ku qanciyey oo isla fiidnimadii xigtay ayuu gaari ku qaaday deegaan kale inta geeyeyna soo mehersaday. Saq dhexe ayuu gurigii ku soo celiyey.
Sidii ballantu ahayd subaxnimadii xigtay ayaa gabadhii la celiyey, si kastoo la yeelayna Cawil in uu gabadha bixiyo waa lagu kari waayey. Shan bil ayaa lagu war helay Canab oo uur leh, markii la is fiiriyeyna in uu Cali mehersaday uurkana uu leeyahay ayey caddaysay. Cawil waagaa ku baryey oo naxdin ayey ku noqotay, sidii la filayeyse ma aysan noqon oo madax-adaygiisa in uu meheriyo mar kale ayuu ka dhaartay.
Inkasta oo ay diintu celinaysay dhawr mar ayuu damcay in uu ilmaha uurka ku jiraa uu ka soo rido, ugu danbaynna maalintii ay dhashay ayuu inta ilmihii qaaday albaabka guriga reer Xaaji Faarax dhigay oo uu iskaga dhaqaaqay! Cali iyo Canab midkoodna dib uma uusan guursan, oo waxa ay ku gaboobeen jacayl kala gaagaxay iyo boholyow aan maalinna bislaan.


