Cayr

Sheekadaan waxa ay ka mid tahay taxanaha Sheeko Sheeko (05) oo uu qoray Shilke Shariif

Sannadkiisii saddexaad ayaa u dhashay tan iyo markii uu rumeeyey riyadiisa. Waa riyo uu muddo toban sano ka badan ku soo riyoonayey in ay u rumowdo. Habayno ayuu u saamalaylay maalmana wuu u lugeeyey, dhafar badan iyo dhib aan yarayn ayuu u soo maray.

Tan iyo maalintii uu ka soo baxay Soomaaliya wuxuu soo maray dayac aad u tiro badan, qaxootiba qaxooti ayuu u dhiibay. Toban sano ayuu ku qaatay xeryaha qacootiga ee Itoobiya, Kiinya iyo Yugaandha. Waxa kaliya ee uu naawilayey waxa ay ahaayeen mar uun in uu samaysto nolol uu ku faraxsan yahay, cafwan ma ahan in uu samaysto ee waa in uu helo.

Dhawr mar ayuu isku dayey in uu Yurub ku galo qaab tahriib ah, umase aysan suuroobin markii uu u roonaana carriga Talyaaniga ayuu labo cawo hoyday ka hor intaan la soo tarxiilin.

Wakhtigiisa ugu badan waxa uu ku lumiyey goobaha cawayska oo sida uu aaminsanaa nolosha adag uu uga gabban jiray iyo safafka dhaadheer ee loogu jiro u hayaamidda halka uu u waashay.

Labo mar ayey soo mareen fursado uu dalka ugu laaban karo oo uu shaqo fiican ku heli karay se midna kuma uusan qancin, marar kalana fursado uu meelihii uu joogay uu wax kaga baran karo ayuu dayacay.

Ugu danbaynse laba sano ka hor ayuu safarkiisii u soo jeestay dhanka Maraykanka. Muuqaal ahaan ma qurxana oo dayacii iyo duruuftii uu la noolaa ayaa ka muuqda. Ma dheera mana gaabna tunkana goobbo yar ayuu ku leeyahay, bidaar aan da’ ahaynna madaxa ayey kala bartay.

Jaamac markii uu Maraykanka tagay sidii uu moodayey ma uusan noqon. Riyadii uu tobanka sano naawilayeyna hal kama uusan arag. Wuu joogaa dhulkii fursadaha se ma haysto awood uu xitaa kaga faa’iidaysan karo fursadahaas.

Yaraantiisii waxbarasho ma uusan helin intii uu qaxootiga ahaana fursaddaas ma uusan raadin ismana qaydiin, oo xitaa kuleejyo xeryaha qaxootiga laga furay wuu iskala waynaa oo maalinna ma uusan xaadirin.

Da’ ahaan soddonkii waa uu dhaafay, weligii ma guursan, xirfad uu ku shaqaysto ma lahan, cilmina ma uu baran. Weli qab ayaa ku jira oo in uu da’daan fasal dhex fariisto wuu iska wayn yahay, se wuxuu ku qanacsan yahay in lacag kaniisado laga soo aruuriyey uu cayr ahaan u qaato halkaasna uu iskaga noolaado.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top