Sheekadaan waxa ay ka mid tahay taxanaha Sheeko Sheeko (06) oo uu qoray Shilke Shariif

Hirarka badda ee fallaaraha qorraxda sii dhacaysaa ay garaacayaan iyo dhawaqa shinbiraha ka yuu-yuu leh geedaha waawayn ee xeebta kulaalaya waxaa sii bilaya cuddoonaanta Caa’isha iyo codkeeda luxdan ee ay mar mar heesaha cajiibka ah ay ugu luuqaynayso. Sida ay jaanta iskula helayaan iyo codkooda nuxnuxda ah ee aad mooddo in ay la cabsanayaan waxaa u sii dheer ubaxyada qurxoon ee ay gacmaha ku wataan. Axmad sannadkii lix iyo labaatanaad ayuu galay, waa doob aan weligiis guursan aanse damac dhigin, sannad walbana in uu sannadkaan guursanayo ayuu niyadda gashtaa.
Dadaal kuma yara oo lix iyo toban jirkiisii ayuu shaqo bilaabay, heerar badanna wuu soo maray. Hadda mushaarkiisu ma yara oo bishii siddeed boqol ayuu qaataa se kuma filna oo inta aanba shanta bisha la gaarin ayuu shiid ku soo dhacaa. Caawa cawooyinka way uga duwan tahay, in ay dalxiis iyo damaashaad ku jiraan waxaa jiiray su’aashii ay sida qayaxan Caa’sha u waydiisay. “Goormaad guurkeenna qorshaysay?” Ayey si hoose ugu tiri. Jawaab uma uusan hayn su’aashaas se sidii lagu yaqaannay ayuu hadal macaanayn iyo bado kale galay. “Qaddarta Alle lagama hormaro” iyo qosol kajan ah ayuu isku raaciyey, niyad ahaanse ma mooga miisaanka ay su’aashaasi leedahay iyo sida gabar laba sano ka hor jaamacad dhammaysay ay guriga ugu caajisi karto, awood uu goor hebel ugu jawaabana ma uu hayo.
Axmad saqdii dhexe ayuu gurigiisa ku soo laabtay se hurdo uma taal oo sikin walba su’aashii ay saaxiibtiis waydiisay ayuu soo gocanayaa. Mar buu is dhahaa iska fasax gayaankeed ha raadsato’e marna in uusan Caa’isha fasixi karin ayuu isku maaweeliyaa. Mar buu is dhahaa biilkaaga hayso oo cidna ha siin asba reer waad ku biilan kartaaye se in uusan hooyadiis iyo agoonta uu adeerka u yahay midna biilka ka jaran karin ayuu isku sheegaa.
Waa habayn habaynadii hore ka dheer oo ka caloolyow badan se xal uusan soo muuqan. Niyaddaa u sheegta in uu shaqada iskaga tago oo uu nolol ka dhaqaale badan uu raadsado, haddana meel kuma oga shaqo ka mushaar badnaan karta tiisa, iskumana biimayn karo in uu suuqa galo oo uu jamhadeeyo. Xaajo way murgacan tahay, Caa’ishana wax walba waxaa uga daran da’deeda iyo camal la’aanta ay guriga la dhex jiifto, waxaase uga sii daran in nin aan qasri dajinayn ay la aqal gasho.


