Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir mudane Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Biday), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ayub Haji Ahmed, oo ah arday dhigta Kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, isla markaana ah Tarjumaaga Buugga Billowga Hanuunka.
Intii kulanku socday, Guddoomiyaha ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka Ayub, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ka qaadanayo kor u qaadista wacyiga dhallinyarada iyo dhiirrigelinta akhriska iyo qoraalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dadaallada noocaan ahi ay lagama maarmaan u yihiin kobcinta aqoonta iyo garaadka bulshada. Sidoo kale,
Guddoomiyuhu waxa uu dhallinyarada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay akhriyaan Buugga Billowga Hanuunka, maadaama uu xambaarsan yahay xikmad iyo hagitaan waxtar u leh qof kasta oo doonaya iftiin cilmiyeed. Wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay aqoontooda sare u qaadaan, islamarkaana ay bulshadooda dhaxal waara uga tagaan.



