Sheekadaan waxa ay ka mid tahay taxanaha Sheeko Sheeko (09) oo uu qoray Shilke Shariif
Saq dhexe ayaan ka kacay sariirtaydii laamiga ayaan sii istaagay. Saacaddu waa sagaalkii habaynimo se waxa ay iila muuqataa maalinnimo, qof dhaqaaqa ma leh oo bidhaan ruux iyo mid gaari midna looma jeedo, aagga aan marayana aad uma xasuusan karo oo waxa ay ila tahay in aan ku dhex safrayo dhul aanan waligay arag haddana sida boorarka qaar ku qoran waa isla magaaladdii aan soddonka sano joogay. Dhulku waxa uu mar ila noqonayaa saxare marna magaalo cammiran, kor ma eegi karo, geesahana aad uguma talaxtegi karo oo sidii qof jujuuban ayaan u taaganahay.
Waxaa si degdeg ah ku soo muuqday gaari aad u dheeraynaya, markii hore waxa uu iila muuqday in uu yahay nooca raaxada kuwooda yar-yar se tartiib tartiib ayuu isku soo beddelay illaa uu ka noqday gaari xamuul ah oo aad u culus. Markii uu in cabbaar ah ii soo jirsaday ayaan maagay in aan ka cararo, meel ayaan gaari waayey, waxaa I saaran culays aanan aqoon meel uu ka yimid, xawaaraha baabuurkuna sikinba sikinka ka danbeeya wuu isa soo tarayey.
Ugu danbayn isagoo cagta I saari raba ayaan dhan uga booday wadadii waxa aanan ku dhex dhacay cafeteria aad u qurux badan oo ay yaallaan kuraas dahab ka samaysan iyo maacuun qalin ah oo wada dhalaalaysa, fadhi ayaan ka raadsaday oo kuraas gees ahayd ayaan salka la helay. Markii hore qof dhaqaaqaa iima muuqan se markii aan salka dhulka dhigay ayaan ka war helay kabalyeeri I dul taagan oo warqad qaansheeg ah ii soo taagaya.
In aanan waxba cunin ayaan u sheegay se isla markiiba gabar aad u qurxan oo dhabarkiisa ka soo baxday xiranna saako iyo xijaab fii (V) ah oo madow ayaa cod deggan igu tiri “Gacaliye waa taydii” jawaabna igama aysan sugin’e kursigii iga soo hor jeeday ayey fariisatay. Anigoo weli la yaabban quruxda iyo qaab samaysanka mucjisada ah ee gabadhan I hor fadhida, mar kalana la tacajubsan meel ay ka timid iyo qofka ay tahay ayaan si hoose u maqlay muusig meel dheer ka soo yeeraya aanan dareemayo in uu ka soo socdo dhanka danbe.
Gadaal ayaan jalleecay waxa ayna indhahaygu qabteen dad dhawr ah oo aanan horay wajiyadooda ka xasuusan oo dhar isku eg xiran, qaab cajiib ahna ugu xarragoonaya qalabyada kala duwan ee muusikada oo ay ka tumayaan cod aad mooddo in uu soo baraarugayo, markii ay soo dhaafeen albaabka beertii qurxanayd ee aan ku jirnay ayey muusiggii u beddeleen mid farxadeed iyo qoob-ka-ciyaar aad u qurux badan.
Waxaan maagay in aan u soo jeesto gabadhii hortayda fadhiday, waxa aanan indhaha ku dhuftay gabadhii oo taashkii arooska iyo turaaxad cad isku taagtay taaj dahab ahna uu madaxeeda ka dhankoolo. Yaab ayey igu noqotay, iima aysan ogolaan in aan ka sii fikiro waxa dhacaya’e durba inta ay istaagtay ayey gacanta ii soo taagtay sidii in ay I kicinayso anna waan la kacay oo gacanteedii ayaan qabsaday. Hal mar ayaan ka war helay anigoo madaxa ku dhufsaday saqafkii kore oo qolkayga oo ahaa mid aad u gaaban kuna taagan sariirtaydii. Waxaan isha ku dhuftay maradii ii guntanayd oo sii furmaysa, inta aan gacanta ku boobay ayaanan cuudubillaystay oo aan hurdadii mar kale u holladay!



