MAANDHOW

HORDHAC
Buuggan aadka u qiimaha badan waxaa qoray Imaam Al-Qasaali, halyey ka mid ah culimada Islaamka ee dunida Muslimka raad waara ku reebay. Waxaa Af-Soomaali u rogay Cabdimaalik S. Sheekhoow ( عبد المالك سعيد ) oo si cilmiyeysan u tarjumay, isagoo ku dadaalay in uusan ka leexin macnaha buugga asalka ah.

Markaad billowdo akhrinta buuggan, waxaad si qoto dheer u ogaan doontaa taariikhda Imaam Al-Qasaali iyo buugaag badan oo uu qoray, kuwaas oo dhammaantood horseedaya iftiinka garashada iyo dareenka Alle ka cabsiga.
Sidoo kale waxaad buuggan ku dhex arki doontaa waydiimo badan oo aad jeclaan lahayd in mid kasta aad warcelin ku habboon u hesho.

Aniga oo ah akhristaha buuggan, waxaan si gaar ah u xiiseeyay saddex waydiimood oo muhiim ah, kuwaas oo Imaamku ka bixiyay warcelin dhab ah oo quluubta gilgilaysa. Waxaan hubaa in waydiimahaasi iyo waecelinadoodu nolosha akhristaha wax weyn ayay ka beddeli karaan haddii si dhab ah loo fahmo una dhaqangeliyo.

Waydiinta koowaad; Goorma ayay Aqoonta wax tartaa?

“Ha noqon ruux ka arradan dhaqamada wanaagsan, xaaladaha sarsare ee meeqaanka lehna ka maran. Garawsana in aysan aqoon mutuxan ku gacan qabanayn.

Tusaale: ka warran haddii meel bannaan ah libaax dad cun ahi uu ku soo boodi lahaa nin geesi ah oo la yaqaanno xirfaddiisa dagaal, sidoo kalana ku gaashaaman toban seefood oo xaadda kaa xii­raya?

Hubku ma yahay mid libaaxa ka celinaya haddii uuna adeegsan, tiiyoo la wada og yahay in aanu waxba celin ilaa la dhaq­dhaqaajiyo oo laga shaqaysiiyo? Cilmiguna waa sidaas oo kale.

Haddii ruuxu uu barto, oo uu dadkana baro kun mas’­aladood, balse uusan ku dhaqmin, waxba uma tarayaan.”

Aqoon wax ku ool ah waa tan ficil lagu dabaqo; haddii aan la dhaqangelin, waxay u ekaanaysaa hub meel yaalla oo aan la adeegsan—waana khasaare. Haddaba goorma ayay aqoontu wax gartaa?

Waydiinta labaad; Goorma ayay taladu wax tartaa?

“Waanadu waa mid fudud, balse qaadashadeeda ayaa ah caqabad. Sabab? Waa mid qaraar oo aan u dhadhamin dadka hawaraaca ah, maxaa yeelay qalbiyadoodu waxa uu jecelyahay waxa uu Alle reebay.

Si gaar ahna qofka cilmiga u barta in uu sharaf adduun ku gaaro, waxa uu u maleynayaa cilmiga oo qudha in uu ku badbaadayo maalinka Qiyaamo, sidoo kalana uu ka deeqtoon yahay ku dhaqmid. Taasina waa sida ay aaminsan yihiin laylasuufiyadu.

Ardaygaasi ma oga, haddii uu cilmiga barto, balse uusan ku dhaqmin in cilmigaasi uu ku noqon doono dabar adag oo uusan ka fursan karin, sida uu Nebigu NNKH yiri: “Waxaa maalinta Qiyaame ugu cadaab daran ruuxa caalimka ah, balse uusan Alle SWT ku anfacin cilmigiisa”.

Waxaa la weriyay in Junayd RC geeridiisa kaddib lagu arkay riyo, laguna yiri: maxaad la kulantay Abal-qaasimow? Dabadeedna waxa uu yiri: “Weedhihii oo dhan waxba way tarin…”’

Taladu waxay wax ka taraysaa qalbi furan iyo camal la socda, waana hanuun ay ku liibaan karaan kuwa ku dhaqma, balse aan la aqbali karin haddii ay kelmad ku egtahay.
Haddaba goorma ayay taladu wax tartaa?

Waydiinta Saddexaad; Goorma ayuu Akhriska cilmigu wax taraa?

“Haddii aad boqol sano cilmiga ku dhex jirtay, qortayna 1,000 (kun) kitaab; ma tihid mid u diyaargaroobay naxariista Alle ilaa aad ka dhaqan galiso, sida uu Allaba SWT yiri:

وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَانِ إِلَّا مَا سَعَى.

“Ruuxna ma laha wax aan ka ahayn wixii uu u dadaalay”.

Sidoo kale Alle waxa uu yiri:

فَمَن كَانَ يَرْجُو لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَالِحًا ..

“Qofka rajaynaya kulanka Rabbigiisa, camal wanaagsan halla yimaadd”.

جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ .

“Waa kuwo lagu abaal marinayo wixii ay samayn jireen”.

Dhaqangalinta cilmigu waa waajib, haddii aadan dhaqangalin waa halkii laga oran jiray “Dameer malab sida” sidaasn baad noqon.”

Akhrisku wuxuu faa’iido leeyahay marka uu sababo isbedel iyo camal, haddii kale wuxuu noqonayaa kaliya xog ururin aan nafta waxba u tarin. Haddaba goorma ayuu Akhriska cilmigu wax taraa?

#Qodban!
Cabdiwali S. Toosane

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top