Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Horeysa iyo dambeysaba Alle ayee u sugnaatay mahad dhammaanteed, amaan, raacid iyo rumeyn nebigii Alle doortay ayaa mudan naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Waxan u mahadcelinaya AHU qoraa Dr Musdafa Kamaal Maxamuud iyo afnaqe ustaad Aadan Sahan.
Intaas kaddib, waxan u madalsanahay gorfeynta buugga WAAYAHA DAANYEERTA, ee uu qoray qoraa reer Masar ah Dr Musdafa Maxamuud.
Dr Musdafa Kamaal Maxamuud Xuseen oo ku magacdheeraa Dr Musdafa, waxa uu ahaa qoraa, fiilasuuf iyo dhaqtar. Waxa uu ku dhashay dalka Masar sannadkii 1921 bishii Disembar, dhalashadiisuna waxa ay aheyd dhalasho Masri ah. Qoys ahaan waxa uu ka soo jeeday qoys iska dhexdhexaad ah, waxa la sheegaa in yaraantiisii uu jeclaa in uu noqdo qof daraaseeya aqoonta seyniska. AHU waxa uu dhintay asiga oo jira 88 sanno sannadkii 2009-ka bishii Nofeembar.
Kuma fogaanayo sooyaalka Dr Musdafa Kamaal Maxamuud, ee waxan guda galayaa buuggiisa loogu magacdaray (CASRU AL QURUUD oo ka kooban Carabi ahaan 91 bogag), waxa uu dhiganahaan soo baxay sannadkii 2008-dii. Muddo 15sannadood kaddib ee sannadkaan 2023 waxa loogu soo afnaqay magacaan (WAAYAHA DAANYEERTA).
Buugga waxa soo turjumay qoraa aad wada garaneysaan Aadan Khadar Cali โAadan Sahanโ. 124 bogag ayuuna ka koobanyahay, waxana daabacday madbacadda Qalinmaal publishing.
Dhiganahaan dhawr cinwaan ayuu ka kooban yahay, waana 13 cinwaanood, oo kala ah:-
Cinwaanka koowaad GABADHA SOO-JIIDASHADA LEH.
Cinwaanka labaad WAXA YIMID WAAYIHII DAANYEERTA.
Cinwaanka saddexaad JACEYLKA CAALAMKAAN DHALAN ROGAN.
Cinwaanka afaraad JACEYL MAYAโฆ NAXARIIS HAA.
Cinwaanka shanaad GOORMA AYUU JACEYLKU NOQDAA JAAHILNIMO.
Cinwaanka lixaad WAA TUMA MARWADA SHARFAN?
Cinwaanka toddobaad DHANKA SHAHWADA.
Cinwaanka sideedaad JACEYLKA IYO SHAHWADA.
Cinwaanka sagaalaad JACEYLKU MA WAXA UU NOQDAY SANAM-CAABUDNIMO.
Cinwaanka tobanaad MA WAXA AYNNU KU JIRNAA AAKHIRO SAMAANKII?
Cinwaanka kow-iyo-tobanaad QOLKA DHAR BEDDELASHADA.
Cinwaanka laba-iyo-tobanaad GEERAARKA JACEYL EE ALLAHA WAX ABUURAY.
Cinwaanka saddex-iyo-tobanaad FEYDISTA DAAHA.
GABAGABADA BUUGGA
Hadaba farriin jaadkee ah ayuu dhiganuhu sidaa?
Buuggaan kolka aan dhuuxay fariimaha uu dirayo dhawr qodob baa kusoo koobayaa.
1) Dhiganahani waxan ka baran karnaa in ISKU-NAXARIISASHADU ay tiir u tahay in qofku uu qof kale oo ka helaayo NAXARIIS uu aad iskugu haleyn karo, misane uu JECLAAN karo.
2) Waxa uu fariin dheer u dirayaa habalaha waayahaan jiro ee ILBAX in ay yihiin is-moodo oo asturkii, akhlaaqdii iyo qiimihii qofnimo ka tagay, kaddibna asturkii iyo kaalintii gabarnimo duugay ayaga oo jirkooda ku raadinaayo qiimo iyo in la qaddariyo.
3) Sidoo kale, farriinta kale oo diraayo buuggaan ayaa ah in la is-ogaado, la is-kaashado oo aan irduhu aysan midba midba kale ka oodan, si ay WAX-ISKU-AHAANSHIYO ay u jirto.
4) Ogoow waayahaan si kasta oo ay bulshada u hormareen, warshado u dhisteen, dayaxgacmeedna ay u dirsadeen cirka waxa ay ku jiraan xiligii DAANYEERTA, sabata oo ah si kasta ay u hormareen waxa aysan hormar ka gaarin dadnimadii, akhlaaq wanaagii,iska warqabkii iyo wax walba oo qiimo leh.
5) Fariinta ugu dambeyso ayaa ah in uu qofka waayahaan uu si caqliyeesan ugu noolaado, diintiisana uu ilaalsado, Rabbigiisana ka baryo in WANAAGGA uu haleelsiiyo.
Ugu dambeyntii, dhiganahan soo akhrista, waa mid wanaagsan oo mudan in qof kasta uu soo akhristo.
W/D: Xaawo Cabduqaadir Cumar



