Sheekadaan waxa ay ka mid tahay taxanaha Sheeko Sheeko (11) oo uu qoray Shilke Shariif
Fiid hore ayaan u ciyaar gudnay deegaan aan nooga dheerayn, gayaan hadda soo kacayna lagu sheegay. Siddeed nin ayaanu ahayn oo wada gar madaw ah, geeloo markaas u dhalay iyo rays nagaadayna isku helay. Wakhti badan nagama aysan qaadan intii aan iska taagaynay ruunkii bartilmaameedku ahaa.
Sidii caadada ahayd inta aan gole furanay ayaan jaanta si aan kala dhac lahayn iskula jiibinnay ragga kii u cod faseexsanaana ereyadii hortagga ahaa ku tuuray;
Waadiga aqalkiyo ardaaga hurdee
Ma waadan ogayn inaan imadeey!
Wax soo muuqda mar la waayey ayuu mid kale ka hareer tuuray oo yiri;
Habbooneey ma hooyadaa gacalaa
Ku tiri ragga hello haw tumineey!
Durduraa lagu yimid oo golihii wuu cammirmay, mar ay jaantii isku dubbadhacday, ayaan culays dareemay. Waan gartay in golaha lagu soo biiray oo madaxa ayaan kor u qaaday hareerahana eegay. Inkastoo aan meel dheer wax laga arag dhanka laga soo socdo ayaan gartay oo aan isha la raacay. Humaag ayaa soo muuqday, markii uu oogtii noo shidnayd ku soo dhawaaday waxa aan yaqiinsaday in ay haweeney tahay.
Mooji meel la ii diraye, dareenkaygii ayaa baxay oo cagta waan ridayaa un mooyee meel ay wax marayaan ma ogi, mise waan joojiyey? Moojiye ka socoo, ku dhaygagay muuqii madasha ku soo biiray. Intii aan maahsanaase mid Cali-Guureeye la oran jiray oo degdegga lagu yaqaanay baa gabadhii erey ku tuuray;
Gayaankaan ka arkay garaadada oo
Geenyadaa timid baa golihii shddayeey!
Intii ay war soo celinaysay ma aanan sugin e, xamaasad iyo dareen hor leh ayaa golihii ku furay;
Markeey timid baan tilmaansadayee
War yaan layga taaban Toolmooneey!
Cawo kale yeelkeede cawadaas goluhu aniga iyo Idil ayuu noo gaar ahaa oo illaa waaberigii haasaawe jiibta iyo jaanta wata ayaanu ka gawsiinaynay, inkastoo in ay doonantahay ay I dareensiisayna kama gabban e, in aan ka dul qaadi doono ayaan golaha kaga goohay, iyaduna in aan la iga soo hormarin ayey ii qishtay. Habaynkii dheeraa soo idlaa, Idilna qalbigayga ayey boos wayn ku yeelatay.
Oogtii waaga markii aan golihii soo gaarnay ayaan rag aan faq-wadaag ahayn u sheegay in aan rabo in deegaankii xalay aan ku laabanno, markaanse ciyaar ma ahane aan geed fariisi u tagno oo la ii doono geenyadii qalbigayga miratay. Baadidoo badnayd iyo madaxwaynihii oo maqna awgeed ayey maalintaas ii baajiyeen in ayse isla toddobaadkaan I raaci doonaan ayey iigu niyad dejiyeen.
Saddex cisho kaddib ayaan barqa hore ka tagnay golihii, deegaankii qoyska Idil ay deganaayeenna u soo jihaysanna. Markii aan soo gaarnay oo nala soo dhaweeyey nalana sooray, ujeedkeenniina aan caddaynay ayaa na loogu bishaareeyey in Idil shala foog la meheriyey oo la guuriyey.
Illintu waa ka ceeb golaha ragga’e, markii aan cabbaar is meermeershay ayaan iska dhigay qof duurka u kacay in muddo ahna ku soo indho guduudiyey geedo dhexdood. Muddo toban gu’ ku siman baa ka soo wareegay kulankii geedka weli gole-ciyaareed kuma laaban gayaan ma aanan helin, waxaase iiga sii daran in aanan habayna nabad seexan oo codkii luxdana, qaab-dhismeedkii iyo erey-xikmadeedkii Idil ayaa maankayga si aan la amrin uga dhex guuxaya.
Haddaad Idileey islaan tahayoo
Illaahay taqaano noo imo’eey!



