Sheeko gaaban || Daahir iyo Deeqa || Qore: Cabdimaalik S. Sheekhow.
Waa waaberi Arbacaad, waxa aan si kadis ah ku kulannay yar aanu saaxiibbo ahayn oo la oran jiray Daahir, isaga oo maqaayad ku taalla magaalada ka quraacanaya. Bariidin iyo baryeysi dheer dabadeed, waxa aan ka waraystay maadaamma uu ka maqnaa dalka in badan, una aaday wax barasho dibadda, heerkiisa wax barasho iyo caqabadihii uu kala kulmay, waxa uu igu yiri: saaxiib waa ay jiraan caqabado aan lakulmay, balse alxamdulilllaah waan ka soo gudbay, waxaasa iigu yaab badnaa dhacdo aan la kulmay; aniga oo jooga galaaskii jaamacadda aan wax ku baranayay, ayay na dhexmartay sheeko gaaban naag bare ka ahayd jaamacadda oo Kiristan ah, balse warmoog ayaan ahayoo iyadu waa dirane, waxa ayna jaamacadda u qaabilsanayd tashkiilinta arday, hadalladeeda waxaan ka dhedhensaday markiiba kiristaamayn in ay igu waddo, doonaysana in ay iga dhaadhiciso iguna qancido diinta Kiristanka, Allaa mahad leh oo igu garabsiiyay yaqiin, kalsoni iyo ku ad-adaygga diinta Islaamka, walow aan ku sigtay in aan ka dhaco haagaan iyo qardajeexyo. 
Waxa aan mar kale wax ka waydiiyay heerkiisa waxbarasho, waxa uuna iigu jawaabay; hadda waxa aan soo diyaariyay heerki 2aad ee jaamacadda yacni masratkii, intaas kadib: Daahir waxa uu ii sheegay inuu yahay nin guurdoon ah, waxa uuna ii sii raaciyay; farriin u muuqatay inaan garab iyo gergerba u noqdo doonitaankiisa, guur uu ku ledo. Waxa uu si xeeldheeri laga dheehanayo iigu yiri: “saaxiib waxa aan kaa codsanayaa inaad iisoo raadiso gabar u qalanta naftayda oo edeb, dhaqan wanaag, xishood iyo diin Eebbe hibo u siiyay”. Qofkii xil ku saaray is xiirbuu ku dhahay, aniga oo farriintaas sida ayaan warsan iyo waddeec ku kala tagnay!.
Waxa aan ku fekerayay inta aan waddada kusoo jiray, tolow halkeed ka helaysaa inanta uu rabo saaxiibkaa? Waxa aan is waydiiyay su’aalo aan jawaabtooda markaa aanan haynin, balse waa isla doonasho Eebbe’e, waxa aan dhex ku arkay duco-qabto aan deris aheyn, oo la dhihi jiray Deeqa, isla markaana si guud aan isu salaami jirnay, balse markaan salaantii qoorateysiga ahayd waa ay soo dhaaftay xaajadu, maxaa yeelay, waxa aan aqoon gaaban u lahaa heerkeeda garasho iyo qofnimo, waxa ayna iila muuqatay in ay tahay duco-qabtadii uu saaxiibkeey Daahir ii diray, in aan dhulweynaha Soomaaliyeed uga doono.
Salaan iyo hadoof kaftan u badnaa ka dib, waxa aan u baandheeyay dantii aan ka lahaa iyo muraadka iga soo galay, hadalkeygana salaanta dhaafsiiyay. Waxa ay ahayd: Ruux garasho cuddoon oo garteeda gole ka naqsan karta`e, waxa ay durbadiiba tiri: ma xuma warkaasi, ee mar uun inanka is keenna bar oo indhaheyga hor keen, ammin dheer igama lumin ee waxa ay hadalkeedii kusoo gunaanadday: “Isla jimcada nagu soo aaddan 4-ta galabnimo iyo golaha ay dhallinyaradu isku aragto nagu kulansii.
Intaas ka dib, aniga oo aad u faraxsan ayaan ka dhaqaaqay goobtii aan la joogay duco-qabtadii aan la rabooday saaxiibkay, waxa aan falkeeda galay sidii aan u kulmin lahaa labadooda, aniga oo og in ay ii sheegtay ammin Deeqa. “Cid aan rabay roob ma igu eryay” ayay Soomaalidu tiraahdaaye, aniga oo u degdegaya in aan ballantii saaxibkeey fuliyo, kuna kalsan Deeqo ayaan Daahir ku iri: “Maalinta Jimcaha ah iyo 4-ta galabnimo ayaa noo ballan ah iyo seddaxdeenna golaha ay dhallintu isku aragto, ogoowna Baadidaad ii dirtayna waa anigan soo helay”.  Bishaaro iyo bilkheyr intuu yiri, ayuu si kal furan iigu mahadceliyay. Waxa aan ku iri: “Shaqo aan ku kalsoonahay ayaan qabtay, ee aragga iyo uduggaba iga soo hagaaji, maalinta Jimcaha ah iyo madal hebel yaan lagaa wayn 4-ta galabnimo. Waqtigu wuxuu is guraba, waa lagaaray xilligii ballanta, waxa aana isi soo raacnay Deeqa, oo aan aad ugu kalsamaa, maadaama aan iyadu daris ahayn, waxa aan isugu nimid goobtii aan ku ballannay.
Rag wuxuu wado
Rabbina aqbalo
Waa rumoobaan. 
Waa tii hore loogu heesaye, wax walba waxa ay u dhaceen sidii loogu talogalay. Labada geesba ma jirin cid soo habsaantay. Howshii aan hoggaanka u ahaana waxa la gaaray goortii ay soo idlaanaysay,  waxa aan isaga dhex baxay, labadii calafku
isku beegay, waa Daahir iyo Deeqo`e.
Nuxnux iyo wada sheekeysi dheer, ka dib waxaa lagu heshiiyay in barihii xariirka bulshada iyo lambarrada telefoonka la kala qaato. Daahir waxa wajigiisa laga dheehanayay farxad, ayaansami iyo raynrayn, waxa u muuqatay inuu helay gabar la qaybsata dhibka nololeed ee aan kalinimada looga bixi karin. Dhanka kale Deeqo iyana waxaa u muuqatay, in ay gaareyso dantii ay ka lahayd barashada Daahir. Wada hadal dheer iyo waayo badan ka dib waxa ay go’aan ku gaareen in ay dadab wada galaan, isla markaana ay unkaan guri dhidibbo adag ku taagan oo ay geferka iyo dabeysha kalinimo uga gaashaantaan, riyadoodii wa ay u rumoowday.
Inta ay sheekadooda socotay ayuu iga codsaday; in aan u soo qoro tix yar oo maansa ah, oo uu habeenkaas qalbigeeda ku soo jiito, waxa uu ogaa in aan ahay hal-abuur tiriya suugaanta qaybaheeda kala duwan, waxa aan u qoray in aan is lahaa habeenkaas waa ay ku filantahay waxa ayna ahayd:
• Beexaawda dunidiyo
• Middaan baa finaayaay
• Laabtiyo boggayguu
• Booskaa ku yaallaa.
• Adigaan bestaa ahay
• Bartamaha habeenkii
• Haddaan baybi kugu oran
• Jiifkaanan iibixin
• Adigaan ku baaraa.
• Boholyoowga aan qabo
• Qoraa loo bogaayana
• Warqad baal caddaan liyo
• Haduu qalin la soo boxo
• Baaritaanna uu galo
• Bog xitaa ma qorayoo
• Wuu baal-maraa gabi
• Illeen baaxadiisaan
• Kayareeyn baaddaa wayn.
Kolkii uu dhaayaha ku qabtay qormadan yar, ayuu igu yiri, ileen waan nin lahaye tan imisaad iga siinaysaa?.
Xilliga aan u qorayay ma ahayn xilli ay maskaxdaydu furan tahay, oo waan iska qoray, oo waxa aan ka baqayay amuu ku yiraah; saaxiibow tan ma ahan middan rabay, se waa la dhacay kuna farxay.
Waxa dhashay waa qurux badan waxa la gaaray ammintii lagu ballamay in uu dhoco meherkii iyo guri gaysashadii oo wada socda, balse waxa yaab iyo lama-arag ku noqday ehelladu wiilkan waxa uu halmarwada doonayo, maadaama ay ku cusbayd magaalada meher iyo guur wada dhaca maalin!.
Subax Jimco ah ayaa Eebbe ogolaaday in ay aqal wada degaan. Farxad iyo boodbood dabadeed, waxaa lagawada huleelay hoolkii uu ka dhacay aroosku, Daahir waxa ay filashadiisu ahayd nolol qurux badan iyo guri nag, balse maxaa dhacay maalmo ka dib? Deeqo waxa ay la soo baxday miciyo soofaysan, dabeecad gurracan iyo damac uusan ku aqoon ilaa billowga aqal galkooda. Goortii ay ayaamo joogeen wax walba waa kuwaa is beddelay. Laqdabo maliibaanto`e Deeqo waxa ay ahayd; gabar dhagar iyo hagar wadata, isla markaana u jeelqabta wiil hore usoo furay oo doonaya in uu dib ugu laabto. Guurka Daahirna waxa uu u ahaa; jaranjar ay uga tallaabaysay shuruudihii diinta Islaamku ay fartay labada is furtay ee mar kale is doonaya. Hadafkeedu waxa uu ahaa “Maxlal”.
Haddaba, dhowr bil ka dib, Daahir oo isku qanciyay in ay iska jiri karaan xaalado dumarnimo, ayay la timid dabeecad ka beddelan tii uu hore ugu arkay, cagajiid badan iyo in aanay dan ka lahayn Daahir. Ugu dambayntiina Daahir waxa uu xammili waayay qallaf-sanaanta xaaskiisa oo uusan hore u arki jirin, balse timid ka dib guurkoodi oo dhowr bilood ka soo wareegatay, in kasta oo uu Daahir aad jeclaa gabadha, culayska saarnaa aawgiis Daahir waxa uu go’aansaday in uu u diro qoyskeeda, bal in ay wax iska beddesho iyo in kale, waxa uu u sheegay in ay hooyo iyo aabbe soo booqato maaddaama ay dhowr bil is arag, iyada oo fursad ka dhex aragtay fasaxaad ayay si halhaleel ah ku tiri haye, waxa ayna xirxiratay boorsadeeda, waabberigiina waa ay dhaqaaqday oo ehelkeeda ayay u tagtay, inta ay dhex kusii jirtayna Daahir ayaa wacay gabadha aabbeheed, una sheegay in uu baryahan fahmi la’yahay habdhaqankeeda, kuna yiri bal aabbow hadday wax iga tabanayso diyaarbaan ula ahay waxa ay rabto u sheeg, aniga warna iima xirayso iimana furayso’e, soddogiina waa yahay ayuu ku yiri.
Iyada oo warmoog ah ayay gabadhii kusoo dhex dhacday qoyskeeda, si kalfurnaan ah ayay aabbe, hooyo iyo walaal intii markaas joogtay salaanta ka saftay, waa war uma hayso in uu aabbeheed gambar gaaban ugu fadhiyo, horyaallaanna su’aalo ay horay jawaabtooda u bixin wayday, kolkii ay nastay ayuu aabbeheef ku yiri; aabbe maxaad gurigaaga uga soo tagtay?
Su’aashii aabbeheed waa ay ka naxday, illeen ma ahayn wax ay filanayso’e, waxa ay isku dayday in ay boor isku qarin samaydo, balse aabbeheed kama uusan harin, waxa uu ku yiri; ma biil iyo baati ayaad ka wayday? Waxa ay ku jawaabtay maya, ma xorriyad shaqsiyeed ayaad ka wayday? Waxa ay ku jawaabtay maya, waayahaye ma ixtiraam ayaad ka wayday ayuu ku yiri? Maya ayay ku warcelisay mar kale, Waayahay maxaad ka tabanaysaa inankaa marka ayuu ku yiri, balse waxaa yaab iyo fajac ku noqday aabbiheed kolkii ay dhegihiisu ku dheceen in aysan rabin Daahir oo ay weli jaceyl u hayso Cali, doonaysana in ay isku laabataan. Cali, waa inan ay horay Deeqa isku qabeen, balse si kama’ ah ugu furay saddex dalqadood, waxa ay ahaayeen labo qofood oo is jecel, kaftama, iskuna kalsoon intii ay labo qofood isku kalsoonaan lahaayeen, balse kaftankii faraha badnaa ayaa sababay kala taggooda, oo Cali ayaa ku yiri ciyaar ay wada dheelayeen haddaad iga badiso saddex ayaad iiga furantaa, isagoo is leh waad kaga aqoon badan tahay, balse waxaa dhacay lidka waxa uu filanaayay, waxa uu ku dooday in uu iska ciyaaraayay walow furriinku ciyaar galin, ugu damaynna sidaas ayay ku kala tageen Cali iyo Deeqa.
Waatay soomalidu tiri “mawaydid wax war kuu sheega`e” Daahir waxa soo gaaray arrinkii waxa uuna galay xaalad adag oo dhaawac u gaysatay, isla markaana maskaxda ayaa dhiig uga furmay, wuxuuna muddo bilooyin ah ku jiray koomo, Deeqana uma muujin wax jixinjix iyo naxariis ah. Daahir waa uu bogsooday, welise waxa  yaalla arrinkii. Daahir gabadhii ayuu la hadlay kuna yiri: maxaad ii dhagaraysay miyaadan Alle aqoon oo aadan ka baqayn? Waxa ay tiri: “haa” waan aqaan Alle, waxa kale oo aan aqaannaa sida loogu dangaaro dadka adiga oo kale ah! Daahir markii uu maqlay hadalladaas dareen la’aanta ah, durbadiiba waa uu dalaaqay isaga oo ay kusoo yaraatay carradu. 
Habeenkii waa uu soo jeedi jiray, maalinkiina welwel iyo tiiraanyo badan ayuu la noolaa, illeen jecaylku waa dhimbil aadan ogayn oo wadnaha lagaaga giijiyay`e. Alle bari badan ka dib Daahir gebi ahaanba waa ka caafimaaday dhagartaas, Eebbena qalbigiisa ayuu ka madoobeeyay, waxa uuna hore u sii guda-galay nolol iyo
hirasho cusub.
Aniga maadaama aan la socday arrintaan waxa aan ku dhiirraday in aan ka sameeyo maanso dhacdadaan xanuunka badan waxa ay leedahay maansadu:
Adoo dhaawacay hankayga
Ayaan wali kuu dhintaaye
Dhawaaqaygaan hadiidin
Anoo kugu dhaaranaaya
Miyaad dhabarkaaga jeedin?
Anoo cudur-daar dharaystay
Xagaayga u soo dhameeyay
Ayaad dheeldheel imooday?
Dhalaalkaan ii birqaaya
Naftaydaan dhoowranayso
Xaguu kaamaray dhamaantii?
Hadaan dhuuxayga quuray
Hadaan dhiigay ku siiyay
Dhankaaga hadaanba aaday
Miyaan qalad dhoobay huunno.?
Waqti iskama dhumin, maadaama ay gaartay dantii ay laheyd. Deeqo waxa ay si degdeg ah ugu tagtay Cali, isla markaana waxa ay u sheegtay waxa jira iyo in arrintu u dhacday sidii ay doonayeen. Hadalkaas Cali waa uu ku farxay, balse, maxaa ka dambeeyay farxaddaas?
Dhowr maalin ka dib, waxa xanuun degdeg ah ku soo booday Deeqo, waxaana loo la cararay isbitaal ku yaallay magaalada. Dhowr dabiibe ayaa isu beddelay, ugu dambayna waxa laga sheegay in uu ku dhacay cudurka dilaaga ah ee aan laga kicin (KANSAR) Dhaqaatiirtu waxa ay u sheegeen in aysan kaalmaati lahayn oo uu Kansarku uga yaallo wadnaha, isla markaana aysan jirin hab qalliin loogu
sameeyo. “Nabsigu waa kan ugu dambayn ku hoda`e” ciriiri nafsi ah ayaa u yimid Deeqa ilaa ay ka ogaato halka laga haysto. Ninki ay darstiis uga tagtay Daahirna waa uu dayriyay kolkii uu ogaaday in ay cudur halis ah la nooshahay.
Maalin maalmaha kamid ah; ayay Deeqo iyada oo dhulyaal ah isku dayday in ay raadiso Daahir. Alle waa caaddil`e raadintaas Daahir kuma guuleysan, waxaana loo sheegay: in uu Daahir geeriyooda xilli aan dhawayn, qoomamo, rajo xumo iyo mustaqbal li’I ayaa la soo daristay Deeqa, iyada oo bukaan socod ah ilaa ay iyaduna ugu dambeyn geeriyootay!.
W/Q: Cabdimaalik Saciid



