Sheekadaan waxa ay qayb ka tahay Taxanaha Sheeko Sheeko (01) oo uu qoray Shilke Shariif.

Gabowga dhafoorkiisa ka muuqda waxaa u dheer duruufta daashatay ee dhabankiisii doorisay. Maryo kun nooc ah oo midba uu dacal ka jeexan yahay ayuu iska dul gashanyahay, timo raamoobay oo buska la daris ahna waxa ay ka raaracaan garbihiisa.
Tunka kama dhigo jawaanka uu ku caan baxay oo xaafadda waxaa looga yaqaannaa Kiish-madoobe. Dhallinta xoogaysatay ee xaafaddu waxay arki jireen illaa yaraantoodii, oo Kiish-madoobe oo darbiyada xaafadda midba habayn kadaloobsada ayey garaadsadeen, se duqaydu qisadiisa waa ka dharagsan yihiin.
Muddo laga joogo soddomeeyo sano ka kor ayuu Maxamad-Ammiin oo hadda Kiish-madoobe ku caan baxay soo dagay xaafaddaan, inkasta oo uu danyar ahaa dareenka ina rag ayuu kala mid ahaa. Wuxuu caashaq u qaaday inantii xaafaddaba u magaca dheerayd nin walbaana u hanqal taagi jiray ee Ebyan.
Maxamad ragga kale u lama sinnayn Ebyan, oo waxa ay gaar ugu jeclayd sheekadiisa aan laga caajisayn iyo laabxaarnaantiisa. Haddaba sida ay dumarkuba ka siman yihiin Ebyan lacag ayaa u bidhaantay, waxa ayna la aqal gashay Jacfar oo ganacsade caan ah ahaa.
Maxamad miyirkiisii waxaa u danbaysay makhribnimadii la soo wariyey meherka malyandhaantiisii Ebyan. Wuxuu garan waayey gurigii loo galbiyey, habayn walba guri cusub ayuu jardiinkiisa kadaloobsadaa isagoo ku taamaya in ay Ebyan u soo baxdo oo ay ka hoyaadiso dhaxamaha.
Ebyan magaalo kale ayaa loo galbiyey oo in dhawaydba ma soo laaban, Maxamadna wuxuu gaaray heer uusan cidna garanayn oo xitaa Ebyantiisii oo hor timid uusan garan karin.
Maxamad waxa uu ku danbeeyey in uu miyirkiisii doorsoomo, muuqiisii doorsoomo iyo in xitaa magiciisii doorsoomo oo jawaanka uu ku wato ubaxyada uu ku magac noqdo Kiish-Madoobena uu ku caan baxo.



