BUUGGA WAAN KU SALAAMAY SAAXIIB

Buugga: Waan ku salaamay saaxiib

Qoraa: Ad’ham Sharqaawi

Tarjume: Aadan Sahan

Bogagga: 345 bog

Ugu horayn mahad oo idil waxa ay u sugnaatay Allah S.W.T oo innaga yeelay ummad muslimiin ah, rumeysan Eebbe S.W.T, adeecsanna rasuulkii loo soo diray ee muxamed NNKH.

Intaa kadib; Buuggaan waxaa ku xusan 119 dhambaal iyo 40 xeer oo isdabayaala kuwaas oo nolosha qofka bani’aadamka ah ka taabanaya xagal kasta oo nolol maalmeedkiisa kamid ah. Waxaa gudaha buugga ku xusan oo aad ugu tagi doontaa oraahyo niyad dhis ah, kuwa samarsiis ah, kuwa guubaabo ah iyo kuwa canaan ah intaba. Badanaa dhambaalada ku xusan buugana waxaa lagu dabaqay dhaqanno badan oo nabigeennii Muxamed SCW iyo asxaabtiisii sharafta badneyd laga soo dheegtay.

Saaxiib; qof kasta oo niyadda kuu dhisaaba murugo kama madhna, ee laga yaabaa in iu si dhab ah u garanayo dhibaatada ay leedahay in uu qofku murugoodo, oo uu waayo qof niyadda u dhisa oo garab qabta!. Qof kasta oo wax ku siinaya ma aha hantiile ee laga yaabaa in uu garanayo dhibaatada ay leedahaay in uu qofku baahdo oo cid wax siisaba uu waayo!. Qof kasta oo ku garab qabta kama madhna rafaadka adduun, ee laga yaabaa in iu doonayo in uu ilaahay baryo si uu isgana u garab qabto.

Hadaba halkaan waxaan kugula wadaagayaa qaar kamid ah dhambaalada cajiibka ah ee buugga ku xusan. Waan ku salaamay saaxiib;

1- Qofku waxa uu ugu bixinta badan yahay, waa waxa uu isagu hore u soo waayey oo aanu soo helin, maadaama uu garanayo qadhaadhka ay leedahay wax waayiddu.

2- Noloshu waa hayaan ee ma aha tartan. Ogow jidka qudha ee u qalma in aad tartan u gashaa waa kan janada. Marwalba janada samarsiis hakuu noqoto saaxiib, waayo janada ayaa ah guusha khasaare kasta oo hore kuu soo maray wax kama jiraan ka dhigta. Ogow saaxiib wixii ilaahay dartii loo qabtaa wey waaraan.

3- Saaxibow dadka dhamaantood way arkayaan ad’adayggaaga, dhamaantood way arkaan dhoollacadeynta markastaba dhabaankaaga ku sawiran, balse ma oga in aad sugeyso inta aad gaar ka noqoneyso ee ilmada dhaayahaaga ka da’aysaa ay dhabankaaga qoyeyso. Dhamaantood adiga ayay kugu tiirsan yihiih saaxiib, adiga ayaana baray in ay dhabarkooda kugu tiiriyaan oo aad garabkooda iyo gaashaankooda tahay. Ogow saaxiib qof kastaaba waxaa ku taagan waran haddii uu dadka kale tuso ay oohin darteed ilmada saydhi lahaayeen.

4- Saaxiib dadka aad aqoonta guud isku leedihiin badi, laakiin saaxiibada yaree.

5- Saaxiib sadaqada qari intii karaankaa ah, xataa haddii lagugu xanto bakheylnimo, inta aanay ku eedayn ayuu ilaahay kuu qoray. Kac habeenkii oo tuko intii aad ku taamayso xataa haddii ay kugu xantaan in aad dhanka cibaadada ku liidato, ilaahay wuu og yahay ilmada diirran ee dhabannadaada qulqusha habeenkiiye!

6- Saaxiib, Murugadu waa in aad oydo oo aad weydo cid ilmada kaa tirta, waa in ay waayuhu qalbigaaga jabiyaan oo aad weydo cid kugu tidhaahda “aniga ayaa tukube kuu ah ee i cusko”. Sidaas oo kale Farxaddu waa in aad guuleysato oo aad aragto dhoollacaddeynta qof guushaada ku faraxsan, waa in aad heer sare gaadho oo aad aragto sida uu ugu faraxsan yahay maadaama uu ahaa sallaankii aad guusha u kortay.

Hadaba, waxaa jira dhambaalo kale oo badan kuwaas oo saameyn ku leh nolosheenna. Sidoo kale waxaa jira 40 xeer oo nolosheenna ay u baahan tahay in ay ku dhaqanto ama wax badan ka ogaato, xeerarkaas waxa ay yihiin iyo sharaxaaddooda waxaad ugu dhex tagi doontaa buugga. Nabaadiino Saaxiib.

THANKS

Waad ku mahadsan tahay Akhrintaada

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top