HOGGAAMIYIHII BEDDELAY CAALAMKA


Waxa ay ahayd hiraabo Isniinaad, wali ma uusan dillaacin waabarigu, waxaa dambeeya mugdigii habeenka, oo haddii isha farta lagaa galinayo xitaa waa ay adagtay iska qabadkeedu, noloshu waa iska caadi, balse waxaa si lamafilaan ah usoo garaacay illinkii uu dunadan kasoo gali lahaa inan, kaliya loo haystay in uu yahay mid la mida inamada filkiisa ah, waxaa hooyadiis si kadis ah ku qabatay fooshii, waxaa isu yimid umulisooyinkii ugu fiicnaa, inanka waxaa aabbe u ah, wiil aad loowada sugayay in uu maalin uun noqdo aabbe, balse geeriyooday inta uusan arag curadkiisa, waxaa isusoo baxay ehelladii iyo dhammaan dadkii deriska la ahaa, si kadis ah ayuu isu beddalay caalamkii oo dhan, dadka oo dhan waxa ay ka dhursugayaan; weerta ugu horraysa ee kasoo yeeridoonta umulisada, dhagta ayaa taagan qofkastana waxa uu leeyahay “ma wiilbaa mise waa gabar” waqtigu waa is gurayaa, walina wax wara ma uusan soo yeerin, goor uu waagu dhawaaday, ayaa waxaa isla fitiimay arrigii oo dhan, waxaa la dareemay in uu dhashay canug khayr wade ah.

Waxaa fajac ku noqday umulisadii la rabay in ay canugga soo qabato; in uu yahay mid isaga is maamulaya, muuqiisu uu ka duwan yahay caruurta kale, waxa uu la soo hor maray gacmaha sidii canug raba in uu gurguurto, foolkiisa ayuu cirka u taagay isaga oo indhaha raacinaya, waxaadba moodda in uu Alle u mahad celinayo, umulisadii waa ay la anfariirtay dhacdadan meesha ka socota. Dhanka kale dunidii oo dhan waxaa ku dhacay isbeddal layaab leh, waxa ay dhalashada canuggan saamayn ku yeelatay madaxdii ka talinaysay caalamka, waxaa dumay taallooyin, damay dab ay qolyaha qaar caabudi jireen, waxaa xad looyeelay xitaa Jinnigii, kaaga darane waxaa isbeddalay isu socodkii uu jinku cirka ku samayn jiray, waxaa indheergaradka u muuqday in caalamkii oo dhan canuggan dherebsaarka ah wax badan kusoo kordhindoono, halka waxyaabo kalana uu cagta marindoono.

Waxaa ka jirtay magaaladii uu ku dhashay, in canugga kolka uu dhasho la geeyo miiyiga, si halkaa loogusoo nuujiyo, balse maamooyinkii nuujin lahaa, waa ay ka meermeeraysteen nuujintiisa maaddaama uu agoon ahaa, waxaa qaadatay maamo sabool ah, xoolaheeduna aysan lahayn wax darar ah, iyaduna wadatay dameer aad u taagdaran, waxa ay magaalada soo gashay xilli dadkii ladnaa laga wada qaatay caruurtii, waa nasiib iyada u qornaaye gacanta ayay ku dhigtay wiilkii agoonka ahaa, balse way ku dheefsatay, xoolihii way u darareen, iyaduna way ku dadaashay canuggii, qoyskii saboolka ahaana ilbiriqsiyo ayay isu beddeshay noloshooda. Inta uu ku jiray korriinshaha; waxaa soo maray dhacdooyin layaab leh, xilli uu la jiray xoolo uu u raaci jiray hooyadii nuujisay, ayaa waxaa u yimid wax uusan waligii arag waliba marar badan, kolkii ugu dambaysayna, waxa ay qalliin ku sameeyeen wadnihiisa, iyaga oo ka saaray shay yar, oo lagu sheegay in uu yahay halka uu shayddaanku ka lumiyo qofka, waxa ay ahayd dhacdo la yaab leh, kuna qasabtay hooyadii uu la joogay, ee nuujisay in ay celiso, waxa ayna go`aan ku gaartay in ay u gayso ehelladiisii.

Noloshiisa oo dhan, runsheeg mooyee; marnaba been kuma hadaaqin, ilaa ay dadku jecladeen, siiyeenna aaminaad aan xad lahayn, waxa uuna ku caan baxay gacan furnaan. Waxa uu necbanaa dulmiga, waxa uu jeclaa fekerka, oo habeenno badan ku fekerayay buuraha dushooda, isaga oo baadi-goobaya xaqiiqda nolosha. Waxa uu ahaa mid aad uga duwan dadkii uu la noolaa, oo ahaa kuwo ku mashquulsanaa ganacsi, ciyaar iyo sanamyo caabudis. Markii uu gaaray da`aadda afartamaadka, wax weyn ayaa is beddelay. Habeenkii ugu xusuusta badnaa, isaga oo god ku jira, ayaa waxaa u yimid dhambaal xambaarsan fariin culeys badan, dunida oo dhanna ruxday. Waxa uu markiiba u soo degdegay lammaantiisa nolosha oo guriga joogtay, isaga oo gariiraya. Farriintii uu helay waxa ay ahayd: “Kac, oo dadka uga dig mugdiga ay ku jiraan”. Markiiba waxa uu bilaabay safar aan sahlaneyn.

Ugu horrayn, waxa uu si hoose ugu yeeray dadka u dhow: saaxiibadiisa, qaraabadiisa, addoomaha dulman iyo dumarka. Markii dambana, bulshada ayuu hor yimid isaga oo leh: “Iska daaya sanamyada, caabuda Alle oo kaliya, caddaaladda iyo wanaaggana sameeya!”. Madaxya-weyntii deegaanka waa ay ka caroodeen waxa uu samaynayo. Waxaa u bilowday dhibaatayn, cunaqabateyn iyo eex. Laakiin isagu wuu sabray. Waxa uuna ku yiri dadkiisa: “Sabira, wax walba waa ay is beddeli doonaan”. Kolkii ay xaaladdu ciriiri noqotay, waxa uu la baxay koox yar, oo hijro u aaday magaalo kale. Halkaas ayuu ka dhisay bulsho cusub, kuna suntan walaaltinimo iyo waaridnimo. Waxa uu dhisay suuq caddaalad ah, masaajid isu keenaya dadka, waxa uuna noqday hoggaamiye ay dadku ku kalsoonaadeen.

Judhiiba, waxa ay yaqiinsadeeen dadku; in xaqa la difaaco in ay tahay lamahuraan. Waxaa bilaawday dagaallo waaweyn, isagoo hormuud u ah ciidankiisa, kuna hogaaminaya dulqaad, caqli iyo go’aan adag. Mar walba waxa uu ku dhahayay: “Uma dagaallamayno nafteenna, ee xaqa ayaan difaacaynaa”. Wali waxa uu sii waday dedaalkii uu dhambaalkan ku garsiin lahaa dunida, waxa uu u diray farriimo boqorradii caalamka, isaga oo ku leh: “Kaalaya, nala qaata fariintan toosan, badbaado ayaa idiin kugu jirta`e”.

Ugu dambeyn, waxa uu dib ugu laabtay magaaladii uu kasoo cararay, isaga oo madax ah. Magaaladii oo dhan waxa ay sugeysay ciqaab, balse waxa uu ku yiri: “Maanta cidna lama ciqaabayo, idinku waxa aad tihiin xor dhammaantiin!” Dadkii waa ay la yaabeen, sidee ayuu u cafin karaa, isaga oo weliba awoodda gacanta ku haya? Laakiin waxa ay ogaadeen; in uu yahay ruux u yimid badbaadin, ee uusan u imaan burburin.

Sanadihii ugu dambeeyay, waxa uu dhamaystiray dacwadii, waxa uuna diyaariyay ummad. Waxaa la gaaray waqtigii sagootinta, waxa uuna dadka u sheegay in uu dhammeeyay farriintiisii. Waxa uu gacmaha u taagay cirka isaga oo leh: “Alloow marag fur!” Dadkiina waxa ay yiraahdeen: “Haa, waad gaarsiisay farriintii”. Intaa ka gadaal, xanuun ayaa qabtay. Waxa uu la jiifay maalmo, isaga oo gacanta ugu jira qofkii ugu qaalisanaa noloshiisa. Ugu dambaynna si tartiib ah ayuu u faarujiyay dunidan ruuxii ugu qiimaha badnaa, waa nebigeenna Muxammed nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaadeen, waxa uu jiray 63 sano, isaga oo dunidan kaga tagay iftiin aan weligiis damayn.

Haa, rasuulkii Allow waa ay ina soo gaartay dacwadii iyo dhambaalkii dunidan iftiiminyay, haa, rasuulkii Allow wali kuma aanaan arag, balse waxa aan kuu jecelnahay sidii in aan nolosheenna oo dhan kula joognay oo kale, waad gudatay farriintaadii, waxa aadna dunadan ka tagtay; adiga oo uu Alle kaa raali yahay, rasuulkii Allow nabadgalyo iyo naxariis korkaaga ha ahaadeen.

Cabdimaalik Saciid

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top