Jimce; 11-Jul-2025. Waxaa naadiga akhriska iyo qoraalka Garaadkobac u qabsoomay kulankiisa jimce dhaafka ahaa ee lagu faaqidayey qaar kamid ah buugaagta ay soo akhriyaan xubnaha naadiga, kullankan waxa uu ka dhacay Medina University.
Madashan waxaa lagu fallanqeeyay buugga qiimaha badan ee la magac baxay “Hoggaami Naftaada”.
Buuggan muhiimka ah waxaa inoo soo koobay si qurux badanna inoogu fallanqeeyay saaxiibada kala ah:
1- Axmed Cabduqaadir Abuukar

2- Axmed Maxamed Cali

Kulankan waxaa ka faa’ideystay marti aan naadiga kamid aheyn iyo xubnaha rasmiga ee naadiga. Gabagabadii kullanka qaar kamid ah ka soo qeybgalayaasha ayaa falanqeyn iyo su’aalo weydiin ku sameeyay buuggaagta la soo jeediyey.
Ugu dambeyn kullanka waxaa soo xirtay Guddoomiye ku xigeenka naadiga Garaadkobac Raxma Cali Xasan, iyada oo xubnaha iyo marti sharafta kaleba ku baraarujisay in ay ka qeyb galaan kulamadan oo kale.
Garaadkobac marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta maanka bulshada iyo sare u qaadida Akhris-Qoraalka Bulshada.
Xafiiska Warfaafinta GK



