Kulanka Gorfaynta Buugaagta ee Garaadkobac oo Maktabadda Dhaxalreeb Lagu Qabtey

Jimce; 27-June-2025. waxaa naadiga akhriska iyo qoraalka Garaadkobac u qabsoomay kulankiisa jimce dhaafka ahaa ee lagu faaqidayey qaar kamid ah buugaagta ay soo akhriyaan xubnaha naadiga, kullankan waxa uu ka dhacay xarunta Dhaxalreeb.

Madashan waxaa lagu gorfeeyay laba buug oo aan kala dhicin oo kala ah;

1- Buugga Fahanka habraaca qaadista dacwada, buuggaan waxaa si qurux badan noogu soo koobay walaalkeenna Sayid Axmed Nuur.

2- Buugga Sahayda Garyaqaanka, buuggaan waxaa si faahfaahsan noogu gorfeeyay walaalkeenna Ayuub Axmed Xuseen.

Kulankan waxaa ka faa’ideystay marti aan naadiga kamid aheyn iyo xubnaha rasmiga ee naadiga. Gabagabadii kullanka qaar kamid ah ka soo qeybgalayaasha ayaa falanqeyn iyo su’aalo weydiin ku sameeyay buuggaagta la soo jeediyey.

Ugu dambeyn kullanka waxaa soo xiray Guddoomiyaha naadiga Garaadkobac Ayuub Maxamed Ismaaciil, isaga oo xubnaha iyo marti sharafta kaleba ku baraarujiyey in ay ka qeyb galaan kulamadan oo kale.

Garaadkobac marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta maanka bulshada iyo sare u qaadida Akhris-Qoraalka Bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top