Sheekadaan waxa ay ka mid tahay taxanaha Sheek Sheeko (04) oo uu qoray Shillke Shariif

Muddo saddex saac ka badan ayuu jaam uga jiraa isgoyska Tarabuunka, kulaylka qorraxda iyo huurka ciriiriga uu dhexda uga jiro waxaa u sii weheliya kulaylka gudihiisa ka shidan. Daqiiqad marka uu joogaba taleefanka ayaa ku soo dhacaya, sidii qof waalan ayuuna samada ka qaylinayaa.
Mar wuu dagayaa oo sidii in uu taraafig yahay ayuu baabuurta kala hagayaa, halka uu mar kalana bajaajtiisa ku soo laabanayo oo uu meel ciriiryoon madaxa ugu galinayo.
Mar uu wareeray taleefankiina uu ka dab dhacay ayuu si dirqi ah jaamkii uga soo dhex baxay, dhanka Warshadda Caanaha ayuuna afka saaray. Inkasta oo uu mar kale aargada jaam kula kulmay, haddana wakhti badan kama uusan sii qaadan oo durba gaari Cabdi Bile (Kooyal) ayaa jidka soo maray jaamkiina xabbad ku kala furay.
Xirsi waxa uu albaabka ka soo istaagay gurigiisii qorboshka ahaa oo aan ka dheerayn isgoyska Albaraka. Inkasta oo uu dareen qabay haddana iskama uusan jirin yadda ay xaaskiisu qadaadka kala heshay. Afganbooti ayuu u dhacay, miyirna asagoo farmashiga Xaaji Cusmaan dhex yaalla dhawr qofna ay dul taagan yihiin ayaa ugu xigtay. Ma uu hubo si’ ay wax u gaareen se xubintii uu dhaqaajiyaba way danqanaysaa, meelaha qaarna faashado ayaa uga duuban.
Dabeecad ahaan Xirsi waa nin deggan oo bajaajtiisa ku xammaasha, afgaabni iyo edeb ayuu ku tilmaamanyahay, maalmahaanse xaaskiisa Xaliima oo war badni iyo qaylo lagu xanto ayaa aad ugu kacsan. War-dhegood iyo xan ay suuqa ka soo maqashay ayaa ku kiciyey masayr sababay in ay garan waydo meel ay marayso.
Masayr waa balee iyadoo aan waxba hubsan ayey xaajigii dhaawacyo halis ah oo geeri sababi karay u gaysatay. Halbowlayaal ayaa go’ay markii ay dan uga daashay ayeyna soo miyirsatay oo ay deriska u qaylo dhaamisay.
Hadda Xirsi waa naafo aan istaagi karin, Xaliimana waxa ay la daalaadhacdaa korinta lix carruur ah ay Xirsi u dhashay, wayna xaqiiqsatay in warkii ay maqashay uusan ahayn mid ay wax ka jiraan.



